Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho shaqo oo heer sare ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole International Airport, waxaana halkaas ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Ali sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Kadib soo dhoweyntii, labada hoggaan ayaa si toos ah ugu gudbay Qasriga Qaranka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah labada dal, gaar ahaan, Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, Kor u qaadista iskaashiga horumarineed, Ixtiraamka wadajirka ah ee madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal iyo Xasilinta gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa isla meel dhigay baahida loo qabo iskaashi sal adag ku dhisan oo ku dhisan derisnimo wanaagsan, dan-wadaag iyo horumar wadajir ah.
Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay jiraan dadaallo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo labada dhinac ay danaynayaan iskaashi dhanka amniga, dhaqaalaha, isgaarsiinta, iyo horumarka guud ee gobolka.
Waxaa la filayaa in madaxda labada dal ay sii wadaan wadahadallo dheeraad ah oo la xiriira mashaariic horumarineed iyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada waddan ee dariska ah.
Waxaa jiray warar sheegaya in mas’uuliyiintaan ay isla soo hadal qaadi doonaan arrimo ay qeyb ka tahay Jubaland iyo xalka khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Maamulkaasi,sidoo kale waxaa miiska saaran qorshaha Jubaland cusub in la dhiso taas oo ay dowladda Ethiopia ay aad uga walaacsan tahay.