Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maamulka Jubaland oo Wadahadalo uga Furmayaan Magaalada Kismaayo.

0
243

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa iney safar ku tagaaan magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ee maamulka Jubbaland.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku tagayo Kismaayo ayaa la xariira dadaalo lagu doonayo in lagu xoojiyo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo dhowrkii sano ee u dambeeysay xiriirkoodu ahaa mid aad xun.

Madaxweynaha ayaa Kismaayo kulamo fool ka fool ah kula qaadan doono madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxana la filaya in kulamadaan wax badan ka badali doonaan khilaaf siyaasadeedkii u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Jubbaland ee marar kala duwan sababay dagaalo geystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.

Qodobada labada dhinac diiradda ku saari doonaan kulamdooda ayaa la sheegaya iney ka mid yihiin In la joojiyo hadalada iyo ficilada dhalinaya xiisad siyaasadeed iyo kala fogaansho, islamarkaana lagu badelo wadahadal iyo wadashaqeyn cusub oo dhexmarta labada dhinac.

Si kastaba ha ahaate safarka Kismaayo ee madaxweyne Xasan Sheekha ayaa loo arka mid muhiim ah, iyadoo la rumeysan yahay inuu xoojin doono xiriirka labada dhinac, kadib sanado ay kusoo jireen khilaafaad siyaasadeed iyo isfaham la’aan mudo soo jiitamasay.

Ugu dambeyntii magaalada Kismaayo waxa saakay ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la xariira soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, waxaana wadooyinka waa weyn ee magaaladaasi lagu arkaya ciidamo aad u tira badan, xili galinkii dambe ee Shalay halkaasi dowladda labada diyaaradood ku geysay ciidamo qeyb ka ah sugitaanka amniga madaxweynaha dowladda Fedaraalka.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.