La Dagaalanka Daroogada oo Amar Culus uu ka Soo Saaray Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

0
3

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub’, ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo isticmaalka daroogada iyo ka-ganacsiga hubka ee gudaha ciidamada, isaga oo ku baaqay in saraakiisha iyo shaqaalaha ciidamada ay muujiyaan daacadnimo iyo anshax sare oo shaqo.

Taliye Mahad ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay ilaaliyaan sumcadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in aan loo dulqaadan doonin xubno ku lug yeesha dambiyada la xiriira daroogada ama hubka sharci darrada ah.

“Askari kasta oo lagu helo isticmaalka daroogada waa laga saarayaa ciidanka, Cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga hubka waa la ciqaabi doonaa, Mas’uuliyad ayay tahay in qof kasta uu ka warbixiyo ciddii uu og yahay inay ku jirto falalkaas,” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale, General Mahad ayaa caddeeyay in saraakiisha iyo shaqaalaha qariya dambiyada ay og yihiin, ama isku dayda inay difaacaan kuwa dambiyada galay, ay iyaguna wajihi doonaan tallaabooyin sharci ah.

Wuxuu intaas ku daray in saraakiil sare loo dirayo gobollada si ay ula socdaan hawlgalka lagu xoojinayo anshaxa iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa ee ciidamada, isaga oo carabka ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo dembi aysan ku fakarin cafis ama “isku day ku baxsasho” amarka Madaxweynaha.

Dhanka kale, Taliye Mahad ayaa sheegay in ciidanka la keenay dhalinyaro cusub oo tababar ku jira, kuwaas oo lagu beddelayo xubnaha howlgabka ah, si loo helo ciidan cusub oo karti iyo daacadnimo leh.

Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo shaqada ciidamada, laguna soo celiyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha amniga.