Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay qorshe degdeg ah oo lagu doonayo in Af-Sawaxili lagu daro manhajka rasmiga ah ee dugsiyada iyo jaamacadaha dalka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo isdhexgalka dhaqan, waxbarasho iyo ganacsi ee Bariga Afrika, kadib markii ay si rasmi ah uga mid noqotay Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2024.
Madaxweynaha oo ka hadlayay Shirka 2-aad ee Iskaashiga Bulshada Bariga Afrika (EACON2025) oo ka dhacay Muqdisho, ayaa ku baaqay in jaamacadaha Soomaaliyeed ay hormuud ka noqdaan baridda iyo adeegsiga Af-Sawaxiliga.
“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan jaamacadaha dalka waa in ay hormuud ka noqdaan barashada Af-Sawaxiliga, luqadda mideysa gobolka Bariga Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashada, Farax Sheekh C/qaadir, ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso horumarinta barashada Af-Sawaxiliga iyadoo la kaashaneysa hay’adaha waxbarasho ee gobolka.
“Waxaan dooneynaa in Af-Sawaxili uu noqdo luqad waxbarasho, ganacsi iyo isgaarsiin, Xitaa waxaan hiigsaneynaa in shirarka noocan oo kale ah aan mustaqbalka ku qabanno Af-Sawaxili halkii Ingiriis laga isticmaali lahaa,” ayuu yiri Wasiirka.
Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo dhawaan la aas-aasay ayaa si dhow ula shaqeynaya Ururka Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Habraaca Heerarka Waxbarashada ee EAC si loo hirgeliyo qorshahan.