Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, iyada oo kulankaasi uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Ajendaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa Akhrinta labaad ee Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Heshiiskaan waa heshiis istiraatiiji ah oo lagu doonayo in lagu abuuro suuq ganacsi oo mideysan dhammaan dalalka Afrika, loona fududeeyo dhaq-dhaqaaqa badeecadaha, adeegyada, maalgashiga, iyo shaqaalaha, Xildhibaanada ayaa mid mid aragtidooda iyo talooyinkooda uga dhiibtay heshiiska, iyagoo qaarkood muujiyay taageero buuxda oo ku aaddan in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato fursadaha dhaqaale, kobaca ganacsiga, iyo ka qaybgalka suuqyada caalamiga ah ee Afrika.
Waxaa sidoo kale jiray xildhibaano dhaliil iyo walaac ka muujiyay saameynta heshiiska uu ku yeelan karo warshadaha yaryar ee dalka, iyo baahida loo qabo in laga fiirsado qodobbada qaar si aysan u noqon kuwo dhaawaca dhaqaalaha gudaha.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha,Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka soo xiray, ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda in ay si dhow ula tashadaan Guddiyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, si loo darsiyo aragtida Xildhibaanada, loogana shaqeeyo in heshiiskan loo maro Akhrinta 3-aad iyadoo talooyinka iyo dooda Golaha lagu saleeyo.
“Heshiiskan waa mid muhiimad weyn u leh isku xirka Soomaaliya iyo Afrika inteeda kale, balse waa in aan si qoto dheer u eegnaa saameyntiisa, fursadaha iyo caqabadaha ku lammaanan,” ayuu yiri Abshirow.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale loo qeybiyay warbixinta maaliyadeed ee sanadkii dhammaaday 31-kii December 2024, taas oo ka mid ahayd qodobada miiska saarnaa, si loo helo sawir buuxa oo ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalka.