Gudiga Xuquuqul Insaanka oo Barlamaanka Federalka Soomaaliya Meel Mariyey ama Ansixiyey.

0
9

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ay horgeysay Wasiirka Arrimaha Qoyska, Khadiija Maxamed Al Makhzoumi, Kulankii maanta oo ay kasoo qayb galeen xildhibaanno badan, ayaa 142 cod ay ku oggolaadeen guddiga, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diidmo ah oo la diiwaangeliyay.

Intii uu socday kulanka baarlamaanka, Wasiir Khadiija Al Makhzoumi ayaa si xooggan u adkaysay muhiimada dhameystirka guddigan, iyadoo sheegtay in beesha caalamka ay si weyn u sugayeen tallaabadan muhiimka ah, taasoo qeyb ka ah horumarka laga sameynayo dhinaca xuquuqul insaanka ee dalka.

Waxaana ay uga mahadcelisay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya sida aqlabiyada leh oo ay maanta fadhigii ay iskugu yimaadeen ay codkooda ku tageereen.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa si cad u muujiyay walaacooda ka hor codbixinta, iyagoo su’aalo ka keenay habraaca xulista xubnaha guddiga iyo daahfurnaanta howlaha la xiriira.

Ansixinta guddigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo Soomaaliya ay doonayso inay la jaanqaaddo heerarka caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.