Dowladda Kenya ayaa dammiin lacageed oo gaaraya 50,000k.sh oo u dhiganta $387,15 kusii daysay Labo dhalinyaro Soomaali ah oo loo haystay inay sharaf dhac u geysteen calanka dalka Kenya.
Carruurtan oo aan qaan-gaarin ayaa lagu wareejiyay qaraabadooda Kenyaanka ah, waxaana loo sheegay in labadan carruurta ah ay soo saaraan maxkamad mar kasta oo loo baahdo.
Garsooraha maxkamadda ayaa intaa ku daray in dukumeentiyadooda siideyntooda ay saxiixaan labo damiin oo mid ka mid ah uu yahay Kenyan.
Dhalinyaradu weli wax racfaan ah kama qaadan saddexda dacwadood ee uu ku soo oogay agaasimaha dacwad oogista (DPP) Renson Ingonga.
Maxkamadeyntooda waxay sugeysaa soo gudbinta warbixinta sarkaalka asluubta si loo xaqiijiyo da’dooda, iyo warbixinta sarkaalka daryeelka carruurta (CBO) si loo ogaado inay dhiganayeen dugsi iyo sababaha ay ku yimadeen Kenya.
Garsooraha maxkamada Gitau ayaa sidoo kale faray xafiiska in ay xaqiijiyaan in labada wiil oo 14 jir iyo 17 jir ah ay ku sugnaayeen Kenya iyo in kale.
Warbixinnada ayaa lagu sheegay in maxkamadda la horgeeyo Oktoobar 8, 2025, markaas oo eedeymaha loo akhrin doono carruurta aan qaan-gaarin.
Waxa ay wajahayaan eedeymo ah in ay Kenya si sharci darro ah ku joogeen, iyaga oo meel ka dhac ku ah astaanta qaranka – calanka Kenya – iyo in ay rabshado sameeyeen. Garsooraha maxkamadda ayaa xusay in iyadoo eedeymaha ay yihiin kuwo halis ah oo taabanaya sharciyada socdaalka, carruurta aan qaan-gaarin weli ma aysan gelin rafcaan.
Labada carruur oo lagu hayay Saldhigga Booliska ee Gigiri Qaybta Ilaalinta Carruurta ma fahmayaan Ingiriisi iyo Kiswahili midkood. Garsooruhu wuxuu amray in loo diyaariyo turjumaan maxkamadeed.
Qareenka difaacayay Ismael Nyaribo ayaa maxkamada ku wargaliyay in hooyooyinka wiilasha ay ka soo safreen Soomaaliya si ay maxkamada uga caawiyaan sidii ay caddaalad u heli lahaayeen iyo in ay caruurtooda gacanta ku dhigaan.
“Iyadoo la sugayo qiimeynta da’da iyo warbixinnada dhallinta, labada tuhmane waxay joogi doonaan saldhigga booliiska Gigiri ee CPU muddo afar maalmood ah,” garsooraha ayaa xukumay.
Arrintan ayaa daba socotay codsi ka yimid xeer ilaalinta oo ku dooday in da’da dhabta ah ee eedeysanayaasha aysan weli xaqiijin xafiiska carruurta ee Islii ee magaalada Nairobi.
Mr Nyaribo ayaa maxkamadda u sheegay in wiilashu aysan waxba galabsan.
“Waxay si fudud u ciyaarayeen kubbadda cagta, mana ka lahayn ujeedo xun oo ay ku ceebeeyeen calanka,” ayuu yidhi.
Waxa uu intaasi ku daray in arrintaasi aysan noqon doonin mid u dhexeysa Kenya iyo Somalia oo ay isku heystaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhalinyaradaasi ay Kenya u joogaan inay soo booqdaan qaraabadooda.