Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Saadad Caliyow, ayaa si cad u sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan dhismaha maamul cusub oo la yiraahdo “New Jubaland” oo laga hirgelinayo gobolka Gedo.
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Arlaadi ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha aysan wax war ah u haynin arrin noocaas ah, islamarkaana ay jiraan wada hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland oo ku saabsan arrimaha maamulka iyo wada shaqeynta, balse aysan jirin wax muuqda oo hadda ka socda dhanka dhismaha maamul kale.
“Anigu waxaan aaminsanahay in Jubaland hore loo dhisay, madaxweyne Axmed Madoobe-na waxaan u aqoonsanahay madaxweynihii hore ee Jubaland,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha, isagoo xusay in uu jiro dadaalo la xiriira sidii Jubaland dib loogu soo celin lahaa miiska madasha wadatashiga qaran.
Wasiir Saadad ayaa hoosta ka xarriiqay in dhowr jeer la isku dayay in la bilaabo wada hadallo rasmi ah oo lagu mideynayo mowqifyada dowladda iyo maamulka Jubaland, balse dadaalladaasi aysan weli miro dhalin.
Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay jiraan warar isa soo taraya oo sheegaya in maamulka cusub ee “New Jubaland” lagu dhisayo qeybo ka mid ah gobolka Gedo, taas oo keentay hadal hayn siyaasadeed iyo dareen dadweyne.