Dawladda Dalka Qatar oo ku Baaqday in La Taageero Arrimaha Aadannimo ee Soomaaliya

0
313

Dowladda Qatar ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay inay sii waddo taageerada farsamo ee lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee dhinaca xuquuqda aadanaha, si Soomaaliya uga mira-dhaliso waajibaadkeedi qaran iyo mid caalami ah, iyadoo la waafajinayo mudnaanta iyo baahiyaha uu leeyahay.

Bayaankan ayaa waxaa ka jeediyay Jassim Ibrahim Al-Malki, Xoghaye Saddexaad ee Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, xilli uu ka qaybgalayay dood wadareed lala yeeshay khabiirka madaxa-bannaan ee u xilsaaran arrimaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, taasoo qeyb ka ahayd Kulanka 60-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Al-Malki ayaa xusay in Soomaaliya ay weli la daalaa-dhacdo caqabado badan oo saameyn ku leh xasilloonideeda, amnigeeda iyo kobaca dhaqaalaheeda, taas oo, sida uu hadalka u dhigay, u baahan in beesha caalamku ay muujiyaan midnimo iyo mas’uuliyad wadajir ah si loo taageero geeddi-socodka qaran ee Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in isbeddellada siyaasadeed ay yihiin tiir muhiim u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, dhisidda hay’adaha dowliga ah, adkeynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay ka qayb qaataan howlahaas si loo helo sharciyad buuxda oo salka ku haysa is-afgarad qaran.

Dowladda Qatar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka taageera dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo marar badan ka qeyb qaadatay shirarka heer caalami iyo kuwo goboleed oo lagu taageerayo dowlad-dhisidda Soomaaliya.