Dawladda Dalka Jabuuti oo Balanqaaday Ciidamo Dheeraad ah Si ay uga Qeyb Qaataan Xasiloonida Soomaaliya.

0
6

Dowladda Jabuuti ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo ku dhawaaqday qorshe ay kusoo dirayso ciidamo dheeraad ah si ay uga hortagaan hanjabaadaha joogtada ah ee ay wadaan kooxda Al-Shabaab.

Wakiilka joogtada ah ee Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay, Mohamed Siad Doualeh, ayaa arrintan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay, Wuxuu sheegay in Jabuuti ay soo dhoweyneyso horumarka ay dowladda Soomaaliya ka samaysay amniga iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, balse uu weli jiro caqabado dhinaca amniga ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

Wakiilka wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada la siiyo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu shaaciyay in la saxiixay heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya, kaas oo dhigaya in Jabuuti ay dirto ciidamo dheeraad ah si ay uga qeybqaataan dadaallada lagu sugayo xasilloonida dalka.

Wakiilka Jabuuti wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay si wadajir ah u taageeraan dowladda Soomaaliya, si loo ciribtiro falalka argagixisanimo ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo ciidamada qaranka, kuwaas oo sidoo kale caqabad ku ah gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.