Danjiraha Dalka Turkiga iyo Madaxda Shirkadda Favori oo Ra’iisal Wasaare Xamze kala Hadlay Horumarinta Garoonka Aadan Cadde.

0
3

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, iyo madaxda sare ee Shirkadda Favori, oo gacanta ku haysa maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Intii uu kulanka socday, madaxa Shirkadda Favori ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshayaasha cusub ee shirkaddu ku doonayso inay ku horumariso adeegyada garoonka. Waxaa uu tilmaamay in la qorsheynayo in la sameeyo isbeddello ballaaran oo dhanka adeegyada iyo dhismayaasha ah, si Garoonka Aadan Cabdulle uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah ee garoomada adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo iskaashiga ay shirkaddu ku bixisay horumarinta garoonka, isagoo xusay in Garoonka Aadan Cabdulle uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, sidaas darteedna loo baahan yahay in lagu sameeyo casriyeyn iyo ballaarin si uu u noqdo mid la tartami kara garoomada caalamka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale ammaanay xiriirka adag iyo walaaltinimada taariikhiga ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay dib u dhiska iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka ah ee dalka.