Dagaalkii u Dhexeeyey Gumeystaha Israa’iil iyo Shacabka Falastiin oo Labo Sano Maanta U Buuxsantay.

0
197

Maanta oo taariiqdu tahay 7-da October 2025, waxaa laba sano jirsaday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Isra’iil iyo xoogaga  Xamaas ee ka socdo Marinka Gaza.

Maanta oo kale 7-dii October 2023 ayay aheyd markii xoogaga hubeysan ee Xamaas ay weerar aan horey noociisa loo arag ku qaaday dhulka Israa’iil xooga ku haysato ee haatan loo yaqaano Koonfurta Israa’iil,

Weerarkii 7-dii October ee snaadkii 2023 Xamaas waxay ku dishay ciidamo badan oo Israa’iiliyiin ah tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 1200 oo askari, waxaana sidoo kale Xamaas ay weerarkaasi kusoo qafaalatay boqola kale oo Israa’iiliyiin ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkaasi Gaza iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiinta ka geystay duqeymo iyo dagaalo lagu dilay dad tiradooda ka badan tahay 70 kun oo Falastiiniyiin ah, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Si kastaba ha ahaatee laba sano kadib wali ciidamada Israa’iil kama aysan adkaan ciidamada Xamaas, waxaana labadaasi sano ciidamada Israa’iil ay xasuuq badan ku hayeen dadka rayidka ah ee ku nool Gaza.

Israa’iil waxay dagaalkan laba sano jirsaday kala kulantay guul daro istiraatiiji ah oo militari iyo mid diblomaasiyadeed, waxaana dagaalkan si weyn uga horyimid inta badan dalalka aduunka, waxaana arintaasi ka dhashay in dalal badan oo reer Galbeed ah dowlad u aqoonsadaan Falastiin taasi oo wadna qabad daran ku ah Israa’iil.