Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada u Maraayo iyo Baalal dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaalkaan ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga tirada ku geeriyootay dagaalka.
Dad ku sugan deegaanka Baalal dheer ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalka uu ka qarxay dilal la xariira aanooyin qabiil, waxaana wali deegaanada lagu dagaalamay ka taagan xiisad dagaal oo mar waliba sababi karta inuu dib u qarxo dagaalka.
Labadaan Maleeshiyo beeleed ayaa horay dhowr jeer ugu wada dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, mana jirto ilaa hadda cid ku baxday dagaalkan u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wali isku hor fadhiya goobahii ay ku wada dagaalameen.
Ma jirto wax talaabo ah oo ay qaadeen maamulka Galmudug ama dowladda Fedaraalka Soomaaliya si loo joojiyo colaadda loona xalin lahaa muranka u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed.
Gobolka Galgaduud waxuu ka mid yahay gobolada ay inta badan ka dhacaan dagaalada beeleedyada, kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maal leh, waxaana deegaanada gobolkaas marar badan ka dhacay dilal aad u aragagax badan oo la xariira aanoyinka qabiil.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.