Dadaalada Nabadeed iyo Iskaashi ee Geeska Afrika oo Mar kale ay Xaqiijiyeen Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

0
162

Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyadoo shirkii 11-aad ee Madasha Sare ee Tana ee Amniga Afrika uu diiradda saaray doorka istiraatiijiga ah ee gobolkaasi ku leeyahay arrimaha amniga iyo horumarka qaaradda.

Maalintii ugu horraysay ee shirka, oo lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee waqooyiga Itoobiya, ayaa lagu falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga dalalka gobolka, iyadoo hoggaamiyeyaashu ku baaqeen in la dardar geliyo tallaabooyinka wadareed ee lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka.

Aqoonyahano iyo mas’uuliyiin heer sare ah ayaa ka qeyb galay shirka, waxaana madasha ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Ambassador Hadera Abera, oo sheegay in Itoobiya ay door muuqda ka ciyaartay ilaalinta amniga iyo nabadda gobolka.

Ambassador Hadera ayaa hoosta ka xarriiqay in Itoobiya ay sii wadi doonto doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan dhiirrigelinta nabadda iyo iskaashiga dalalka deriska ah.

“Itoobiya waxay sii xoojin doontaa kaalinteeda muhiimka ah ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri Hadera.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar, ayaa faahfaahiyay dadaallada ay Soomaaliya waddo ee dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo sugidda nabadda kaddib sanado badan oo colaado ah.

Sidoo kale, Wakiilka Ururka IGAD ee Midowga Afrika, Maureen Achieng, ayaa soo bandhigtay kaalinta sii kordheysa ee IGAD ee ku aaddan fududeynta wadahadallada, xallinta khilaafaadka iyo kor u qaadidda midnimada dalalka Geeska Afrika.