Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah oo loogu talo galay xaqiijinta amniga magaalada Caasimadda ah geysay daafaha magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan oo ah kuwa soda gaarka ah u tababaran ayaa la tilmaamay iney si gaar ah ula socon doonaan dhaq dhaqaaqa guud ee waxa soo galaya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago weerarada kooxda Al-shabaab.
Saacadahii lasoo dhaafay ayaa ciidamadan oo aad ugu hubeysan gaadiidka kala duwan ee dagaalka ayaa lagu arkaayay duuleedka Caasimadda, kuwaas oo sameynaayay howlgalo amni xaqiijin ah.
“Howlgalka oo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo looga shakiyay dhaqdhaqaaqyo amnidarro” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda federaalka.
Talaabadaan dowladdu ku geysay ciidanka Haramcad ayaa imaaneusa, iyadoo horey ciidamadaan degmooyinka Muqdisho uga sameeyeen howlgallo miro dhal ah oo lagu xasili inta badan degmooyinka gobolka Beanaadir.