Waxaa aad u sii kordhaya beegsiga lagu haya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Cape town.
48 saacadood gudahood ayaa muwaadinkii labaad lagu dilay Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanka Khayelitsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo xeebeedka Cape town.
Nuur Maxamed Mahdi oo loo yaqiinay Faroole ayaa burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ku dileen gudaha goobtiisa ganacsi oo ku taalay deegaanka Khayelitsha.
Habeen hore ayay aheyd markii burcadan hubeysan ay ku dileen deegaanka Philippi muwaadin lagu magacaabi jiray Shool Maxamed Cadde oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn looga yaqiinay gobolka Western Cape
Dilka muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa imaanaya, iyadoo 48 saacadood ee lasoo dhaafay burcada hubeeysan Koonfur Afrikanka ah ay kordhiyeen weerarada ay ku beegsanayaan ganacsiyada Soomaalida ku leeyihiin magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii burcada hubeysan ay weerar ku dhaawaceen laba ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika.