Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si adag u sheegay in hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Jubaland (JISA) ay haatan tahay hay’adda ugu awoodda badan uguna xog-ogaalsan arrimaha amniga ee Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu xarigga kaga jarayay xarunta dhexe ee cusub ee JISA oo si casri ah loo dhisay, taas oo lagu sheegay mid ka mid ah xarumaha ugu horumarsan ee sirdoonka ee ka jira dalka.
“Xogta amni ee Geeska Afrika cidda maanta wax laga weydiinayo waa hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Jubaland,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. “Waan hubaa xitaa dowladda Soomaaliya iyadaa uga horreysa.”
Wuxuu tilmaamay in hay’adda JISA ay gaartay heer sare oo xirfadeed iyo awood dhanka la socodka xogaha sirdoonka ah, taasna uu sheegay inay tahay natiijada dadaal iyo maalgelin joogto ah oo uu isagu u sameeyay tan iyo aasaaskeedii 2013-kii.
Xarunta cusub ee la furay ayaa lagu qalabeeyay tiknoolojiyad casri ah oo u sahlaysa hay’adda inay si dhakhso ah u ogaato ugana falceliso khataraha amni ee gobolka, Sidoo kale, xarunta waxaa ka howlgalaya saraakiil si gaar ah u tababaran.
Hadalkan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu dalka ka jiro xaalad siyaasadeed oo kacsan iyo isjiidjiid u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, taas oo sare u qaaday xiisadaha la xiriira awoodda hay’adaha amniga.
Madaxweynaha Jubaland ayaa horey ugu eedeeyay dowladda federaalka in ay hoos u dhigtay wada shaqeynta hay’adaha amni ee heer federaal iyo dawlad-goboleed, taas oo uu sheegay in ay keentay in Jubaland madax bannaani buuxda siiso hay’adeheeda amni.