Aaska Qaran ee Railla Odinga oo Madaxweyne Xasan Sheekh ka Qeyb Galay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

0
4

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qaybgalay Aaska Qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Amolo Odinga.

Madaxweynaha ayaa ku biiray madaxda caalamka iyo kuwa gobolka oo isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta ee Nyayo Stadium, si ay uga qeyb qaataan munaasabadda sagootinta ninkii rug-caddaaga ahaa ee siyaasadda Kenya, oo si weyn looga tacsiyadeeyay geeridiisa gudaha iyo dibaddaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalkaas ku muujiyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka iyo dowladda Kenya, gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Raila Odinga.

“Raila Odinga wuxuu ahaa halgamaa u istaagay dimoqraadiyadda iyo cadaaladda, geeridiisuna waa mid saamayn ku yeelatay guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Taageerayaashii Raila ayaa waddooyinka dalkaasi Buux dhaafiyay si ay uga qeyb qaataan aaska Raila iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo inay rabshado ay ka sameeeyeen.