Wasiiru dawlaha arimaha Debedda Cali Balcad oo Sheegay in Dawlada Turkigu ay Soomaaliya La Joogtay Marxaladihii Dalku Soo Maray.

0
575

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa Maqaal uu qoray kaga hadlay kaalinta uu Turkiga ku yeeshay dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu dib u milicsaday safarkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, isagoo tilmaamay in booqashadaas ay ahayd dhacdo beddeshay aragtidii caalamka ee Soomaaliya.

“Taasi waxay ahayd fariin cad oo muujisay in Soomaaliya aan la iloobin,” ayuu yiri wasiirku, isagoo intaas raaciyay in Ankara ay dhiirrigelisay rajadii shacabka Soomaaliyeed.

“Turkigu ma aha oo kaliya saaxiib diblomaasiyadeed, waa walaal dhab ah. Maanta Muqdisho waxaad ku arkaysaa isbitaallo, iskuullo, iyo kaabayaal ay Turkigu dhiseen,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in wejiga xiga ee iskaashiga labada dal uu noqon doono kobcinta dhaqaalaha. Wuxuu xusay dhul-beereedka ballaaran iyo xeebta dheer ee Soomaaliya oo hodan ku ah khayraad badeed, halka Turkigu uu leeyahay warshado casri ah iyo shabakado ganacsi oo caalami ah.

“Soomaaliya ma aha oo kaliya dal qaata gargaar, waa dal diyaar u ah inuu la koro Turkiga,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda wuxuu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu tusaale u yahay waxa dhici kara marka dalal Koonfur–Koonfur iskaashi dhab ah yeeshaan.