Markab xamuul oo ka ambabaxay magaalada Jamnagar ee gobolka Gujarat ee dalka India, islamarkaas kusii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa dab xooggan uu ku qabsaday xeebaha Gujarat.
Markabkan ayaa la sheegay inuu siday badeecado gaaraya 950 tan oo bariis ah iyo 100 tan oo sonkor ah oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo reer Puntand ah.
Maamulka markabka ayaa xaqiijiyay in Waaxda Dab-damiska ay goobta u dirtay saddex gaadiid dab-damis ah, halka ambalaasyo iyo ciidanka booliska deegaanka ay sidoo kale gaareen si ay gargaarka uga qayb qaataan.
Markabka waxaa maamuleysay shirkadda HRM oo fadhigeedu yahay Jamnagar. Ilaa hadda, sababta dabka ayaa weli lama oga.
Shilalka noocan oo kale ah oo ay la kulmaan doonyaha iyo maraakiibta shixnadaha ganacsiyada usoo rara magaalada Boosaaso ayaa marar badan soo laalaabta.
Sababta ugu weyn ayaa lagu tilmaamaa taxadar la’aanta xilliyada bad-xiranka ee bisha May ilaa September, xilligaas oo badda ay khatar badan leedahay.