Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo gaaray magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar, ayaa maanta ka qayb galaya shir-madaxeedka degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka ee lagu qabanayo magaaladaas.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Hamad International Airport kusoo dhoweeyay, Sheekh Siciid bin Cabdirahmaan bin Xassan Aala Thani oo ah ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Difaaca ee Qatar iyo Maxamed Axmed Sheekh Cali Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu diiradda saaro xaaladaha cakiran ee ka taagan gobolka iyo caalamka Islaamka, iyadoo madaxda ka socota dalalka Carabta iyo Islaamka ay isugu imaanayaan si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga, siyaasadda, iyo xiriirka dalalka xubnaha ka ah.
Waxaa si gaar ah ay madaxdaan diirada u saari doonaan sidii tallaaabo munaasab ah looga qaadi lahaa weerarkii gardarada ahaaa oo ay Israa’iil ku qaaday magaalada Doxa kuna bartilmaamaysatay Xafiiska Xamaas ay kuleedahay wadankaasi.
Socdaalka madaxweynaha ayaa sidoale qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in ay kor ugu qaaddo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.