Maamulka Puntland oo Sheegay in ay Dileen Kooxdii Daacish u Qaabilsanaa Dhagarta Miinada.

0
813

Puntland ayaa sheegtay inay dishay kooxdii  Daacish u qaabilsanayd miino dhigista, kuwaas oo la sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxii dhawaan lagu dilay Taliyihii Guutada 2-aad ee Daraawiishta Puntland, Gen. Qalyare.

Howlgal shalay ka dhacay deegaanka Dhasaan oo katirsan buuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxdan, mid kalena gacanta ayaa lagu dhigay, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay howlgalka “Hillaac.”

Ilo madax-bannaan oo la hadlay HOL ayaa xaqiijiyay in Puntland ay hal askari ku weyday howlgalkaas, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen. Waxaa la filayaa in maanta lasoo bandhigo maydadka xubnihii la dilay.

Afhayeenka howlgalka, Gen. Maxamuud Faadhig, ayaa sheegay in meel 60 km u jirta halkii qaraxa loogu dhigay Gen. Qalyare lagu helay kooxdii weerarka ka dambeysay, isagoo tilmaamay in dagaal culus oo dhacay lagu baabi’iyay kooxdii miino dhigayaasha Daacish.

Saddex kale oo ka tirsanaa Daacish ayuu sheegay in ay fakadeen, kuwaas oo uu sheegay in ciidamadu ku raad joogaan. Gen. Faadhig ayaa intaas ku daray in miino dhigistu ay mid kamid ah xeeladaha ay Daacish kula dagaalamayeen ciidamada Puntland.