Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay sadax ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda u qaabilsaneyd gobolka Hiiraan.
Howlgalkan ayaa ahaa mid si gaar ah ay u fuliyeen ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka.
War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday sadax horjooge oo muhiim u ahaa kooxda Al-shabaab, islamarkaana dhibaato xoogan horay uga geystay deegaanada gobolka Hiiraan.
Sadaxda horjooge ee howlgalkan duqeynta ah lagu dilay waxaa ka mid ah oo magaciisa la shaacisay horjooge Cabdi Xiiray oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda, islamarkana ka dambeeyay weeraro iyo falal amni darro oo ka dhacay deegaanada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in faahfaahin intan ka badan oo ku saabsan howlgalka iyo natiijadiisa rasmiga ah la soo bandhigi doono saacadaha soo socda.
Howlgalkan duqeynta ah ee lagu dilay horjoogayaashan ka tirsana Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda ee garabka ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ay kordhiyeen mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.