Dagaalkii Ceeldheer Askartii ku Dhaawacantay oo Magaalada Muqdisho La Keenay.

0
257

Ciidamada Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Ceeldheer, gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa la keenay magaalada Muqdisho, si halkaan lagu daweeyo.

Ciidamadan oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa si degdeg ah loogu soo qaaday xarumaha caafimaad ee caasimadda, gaar ahaan Isbitaalka Xoogga, halkaas oo lagu daweynayo, Xalay markii ay ciidamadu soo gaareen Muqdisho, waxaa isbitaalada ku booqday mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin xildhibaano, saraakiil ciidan, iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaalkii Ceeldheer ay ku dhinteen lix askari, halka afar iyo toban (14) kale ay ku dhaawacmeen.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi uu ahaa mid culus oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan weerar ballaaran oo uga yimid kooxda Al-Shabaab.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Khasaaare xoogan ay gaarsiiyeen Al-shabaab iyadoona gacanta looga dhigay maxaabiis.

“In ka badan 30 argagixiso Al-Shabaab ah ayaa la dilay, halka saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxdaas la qabtay kadib markii ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday degmada Ceeldheer, ee Gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxaa maanta la filayaa in mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka ay booqdaan dhaawacyada, Waxaa sidoo kale laga dareemayaa hareeraha Isbitaalka Xoogga dhaq-dhaqaaq amni oo xooggan, iyadoo lagu arkayo gaadiidka madaxtooyada iyo ciidamo gaar ah oo sugaya amniga.