Ciidamada Deegaanka Gobolka Hiiraan oo Hawlgal Qorsheysan ka Fuliyey Deegaan lagu Magacaabo Waabweyn.

0
151

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ka fuliyeen deegaanka Waab wayn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Macawiisleyda ayaa la sheegay in deegaankaasi ay dagaal culus kula galeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab oo halkaasi ku sugnaa.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhawaqa hubka culus waxaa laga maqlaayay meelo fog fog Waab weyn.Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinac, mana jirto wax war ah oo dhinacyadu kasoo saareen khasaaraha dagaalka.

Saraakiisha hoggaaminaysay ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan uu ahaa iney kaga hortagaan isku fidinta kooxdu ay ka wado wali qeybo badan oo ka mid deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan Macawiisleeyda ka fuliyeen deegaanka Waab weyn ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolka Hiiraan uu ka socda mudo dheer abaabulo ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda, kaasoo ka dhan ah Al-shabaabka dib u la wareegay deegaano iyo degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan.