Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Shakhboot bin Nahyan.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, waxaana si gaar ah looga arinsaday dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Sheekh Shakhboot bin Nahyan booqashadiisa iyo garab istaagga shacabka iyo dowlada Imaaraadka u muujiyeen dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa farriin gaar ah u diray dhigiisa Imaaraadka Carabta H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isagoona adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay iney sii xoojiso lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.