Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi aj u shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2024-2025.
Wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2024-2025 iney u fariist3en Arday gaareysay 38,471, islamarkaana Ardayda baastay oo gudubtay ay gaarayaan 32,714 arday, halka ardayda dhacday oo aan soo gudbin ay gaarayaan 5,757.
Kaalinta koowaad ee imtixaanka Qaranka sanadkan ayaa waxaa gashay gabar lagu magacaabo Caaisha Aadan Ugaas Xirsi oo ka qalin jabisay Dugsiga SOS oo ku yaala gobolka Banaadir.
Caaisha Aadan Ugaas ayaa heshay isku celcelis ahaan 91.99%, taasoo ka dhigtay iney noqoto ardayga ugu sareysa dalka ee sanadkan kaalinta koowaad ka gala Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2024-2025, waxaana kaalinta labaad galay Khaalid Cabdinuur Xuseen oo helay isku celcelis ahaan 91.99%, kaasoo ka mid ahaa ardayda Dugsiga Markabley oo ka mid ah Dusgiyada sare ee ku yaala dowlad goboleedka Jubbaland.
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku bogaadiyay ardayda guuleysatay dadaalkooda iyo guusha ay gaareen, iyagoo sidoo kale dhiirigelin u jeediyay ardayda aan sanadkan ku guuleysan iney baasaan iney u diyaargaroobaan fursadaha kale ee Waxbarasho.
Ugu dambeyntii Natiijadan ayaa maanta shaacisay Wasaaradda Waxbarashada ayaa muujisay tartanka xoogan ee ka jira dugsiyada sare ee dalka, iyadoo arday badan ay ku hamineyaan inay noqon doonaan ardayga kaalinta koowaad gali doona.