Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo uu Ka Dhacay oo Kulan Looga Hadlayo La Dagaalanka Al-shabaab Ka Dhacay.

0
347

Galinkii dambe ee Shalay waxaa magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ka qabsoomay kulan looga hadlaayay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii looga xureyn lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Hiiraan.

Kulanka ayaa dhexmaray masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidanka Militeriga Soomaaliya, hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Dhamaan masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee kulanka ka qeybgashay ayaa isla gartay in dib loo dardar galiyo dagaalka gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn inuu joogsado dagaalka Al-shabaab lagula jiray dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

“Maxa inaga qaldamay ma mucjisa nagu dhacday waxan nahay waan is naqane sow anagii cadawga ka adkeyn, ma jabnay mase weerar ayaa nagula jabiyay weerar waa lagu jaba lakiin hadii la wada jabo waa guul daro, ee galabta aanu ky dhawaaqano dagaalka inaan dib u xoogeyno oo aan galno, cadawga duudkiisana aan qabsano” ayuu yiri Hogaamiye Cali Jeyte Cismaan.

Saraakiisha ciidamada AUSSOM ee ka howlgala Hiiraan ee ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa dhankooda balan qaaday iney taageero xoogan la garab istaagi doonaan xoojinta dagaalka Al-shabaab.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay kasoo baxeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo haatan gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-shabaab.