Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya Taliyaha Guud ee Sirdoonka Dalka Sudan (General Intelligence Service), Sareeye Gaas Axmed Ibraahim Cali Mufaddal.
Kulankan ayaa waxa uu sareeye gaas Mufaddal uu Madaxweynaha u gudbiyey farriin rasmi ah oo uga timid Guddoomiyaha Golaha Kumeelgaarka ah ee Kacaanka ee Sudan, Mudane Cabdil Fataax Al-Burhaan.
Farriintaas ayaa lagu muujiyey sida dowladda Sudan uga go’an tahay xoojinta iyo sii ballaarinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Sudan, gaar ahaan dhinacyada amniga, sirdoonka, dhaqaalaha iyo arrimaha wadajirka danaha guud.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha sirdoonka ee labada dal, si wax looga qabto caqabadaha amniga gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Sudan sida ay mar walba ugu taagan tahay garab istaagga Soomaaliya, waxaana uu muujiyey sida ay muhiim u tahay in la helo iskaashi dhab ah oo u adeega nabadda iyo xasilloonida gobolka.