Konteenero Laga Soo Buuxiyey Walxaha Maanka Dooriya oo Lagu Qabtay Dekedda Muqdisho.

0
290

Ciidanka Booliiska dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay konteenaro ay ka buuxeen waxyaabaha maanka dooriya oo laamaha amaanka dowladda ku qabteen Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Maan dooriyahaan ciidamadu ku qabteen Dekada weyn ee Muqdisho ayaa ah mid si weyn mudooyinkii dambe ugu soo kordhaayay isticmaalkiisa dhallinyarada Soomaaliyeed .

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha Dekadda Muqdisho ayaa sheegay in laamaha amniga qabteen labo kunteenar oo maandooriyaha lagu soo qariyay kadib xog ay heleen booliiska Soomaaliyeed.

Waxuu sheegay afhayeenka in maan dooriyaha ay qabteen ay ku jiraan kaniiniyaasha loo yaqaan Taramadool iyo Bilig bilig oo ah noocyada ugu haliska badan ee laga mamnuucay isticmaalkooda iyo ganacsigooda gudaha dalka.

“Maan dooriyaha aan qabanay wuxuu ka koobnaa 17 kartoon, Taramadol ah bilig bilig oo 112 kartoon ah, Sharoobada loo yaqaan koodhiin oo iyana maan dooriye ahaan loo isticmaalo oo 120 kartoon, kuwaas oo dhamaantood ah maan dooriye halis ku ah caafimaadka dhalinyarada Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan.

Afhayeen Cabdifataax ayaa sidoo kale sheegay in talaabo adag ka qaadi doonaan ganacsatadii waxyaabahan maanka dooriya soo galinayay magaalada Muqdisho, si loogu fidneeyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka leh, kuwaas oo mudooyinkii dambe si weyn u isticmaalayay kaniiniyaashan maanka dooriya.

Si kastaba ha ahaate Tallaabadan lagu qabtay waxyaabahan maankadooriya ayaa kusoo aadaya, iaydoo shalay sidan oo kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loogu qabtay maan dooriyaal kale oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo magaalada Muqdisho.