Wararka ka imanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in firxadka kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ay gabbaad ka dhigteen xaasaskooda iyo carruurtooda oo ku sugan godadka kuyaalla halka loo yaqaan Maraagane oo ku dhex yaalla Togga Baallade.
Afhayeenka howlgalka Hillaac, Gen. Maxamed Axmed Faadhigo, ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in laamaha ammaanku ay haatan sahminayaan qorshe lagu soo afjari karo kooxdan yar ee Daacish oo isku uruursaday halkaas.
Waxa uu sheegay in tallaabooyin taxaddar leh loo baahan yahay si loo kala saaro xubnaha dagaallamayaasha ah iyo haweenka iyo carruurta ay la joogaan.
“Howlgalka Hillaac wuxuu ku socdaa si qorsheysan, waxaanu ujeedkeennu yahay inaan meesha ka saarno xoogagga Daacish ee ku dhuumaaleysanaya degaanka, balse waa inaan ka fiirsannaa sidii looga ilaalin lahaa waxyeello soo gaarta xaasaskooda iyo carruurta ay halkaas geysteen,” ayuu yiri Gen. Faadhigo.
Waxa uu sheegay in todobaadkan uu dhacay dagaalkii ugu culuslaa ee ka dhan ah Daacish muddooyinkan dambe, kaasoo uu sheegay in ay ciidamadu ku dileen 20 dagaalame oo katirsanaa kooxda Daacish, ayna ku burburiyeen meelo ay ku keydsanayeen hub iyo sahay.
Afhayeenka howlgalka waxa uu sheegay in wali ay jiraan xubno yar oo isku urursaday gudaha godadka iyo meelaha buuraleyda ah ee adag in si sahlan loo galo.