Deegaanka Cumar Dheere ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Hawlgal ka Fuliyeen.

0
39

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan si guul leh uga fuliyey deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku dhow ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warantay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Federaalka.

Howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu baabi’iyo khatarta iyo dhibaatada Al shabaab ay ku hayaan shacabka deegaanka, ayaa lagu burburiyay isbaarooyin sharci-darro ah oo ay kooxda Al shabaab ka dhigtay meel ay dadka ku baadi jireen, laguna dhibaateyn jiray gaadiidka iyo ganacsatada maraya wadooyinka deegaanka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay goobo ay kooxdaasi ku dhuumaaleysanayeen, kuwaas oo u adeegayay sidii xarumo qarsoon oo lagu diyaarin jiray falal amni darro ah oo lagu beegsanayo shacabka iyo dowladaba.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu sifeynayo guud ahaan Shabeellaha Hoose, loogana dulqaadayo shacabka culeyska kooxda Al shabaab.

“Howlgalka aan ka fulinnay Cumar Beerre waxa uu ka tarjumayaa go’aanka adag ee dowladda iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ka gaareen in Al shabaab laga saaro deegaan kasta oo ay kaga dhuumaaleysanayaan dalk, Waxaan dib u soo celineynaa nabadda, kalsoonida iyo xasilloonida shacabka.” ayuu yiri sarkaalkaas.