Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Eedayn Culus Markale u Jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

0
451

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta maamulka Jubbaland ayaa  looga hadlay xaalada gobolka Gedo iyo  dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay duuleedka degmada Beledxaawo ee ay ku geeriyoodeen askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka Jubbaland.

Jubbaland ayaa Warsaxafadeedka eedeymo culus ugu jeedisay Madaxweynaha dowlada Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxa amniga gobolka Gedo Cabdirashiid Janan oo ay ku eedeysay iney ka dambeyaan dagaalka iyo hurinta colaada gobolka Gedo.

Waxaa sidoo kale Jubbaland ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku doonayso in lagu wiiqo ama lagu burburiyo jiritaanka maamulka Jubbaland.

“Dowladda Jubaland waxay mar labaad xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay si buuxda uga hortagayso isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyo nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo ah hadafka weyn ee eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

Warkaan kasoo baxay Jubbaland ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada taabacsan maamulkaasi dhawaan laga saaray guud ahaan magaalada Beledxaawo iyo deegaanada hoostaga, islamarkaana dowladda Federaalka ay ugu baaqday askarta Jubbaland ee ku sugan Gedo iney isku soo dhiibaan ciidanka dowladda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland oo dhameystiran:-