Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warqaddii uu Senator Ted Cruz kaga codsaday Trump in uu “aqoonsi” siiyo Somaliland ay ahayd mid lagu weeraray xidhiidhka Shiinaha-Soomaaliya, isla markaana ay ahayd faragelin cad oo loo gaystay arrimaha gudaha Soomaaliya.
Safaaraddu waxay sheegtay in arrintani ay muujinayso dhaqanka kali-talisnimo iyo cabbudhin siyaasadeed ah oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanku ay kula dhaqmaan dadka Soomaalida.
Hadalka kasoo baxay safaaradda Shiinaha ayaa xusay in ay muhiimtahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, iyo aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale, kuwaasi oo ay ku sheegtay mabaadi’ ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay, oo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Waxay carrabka ku adkaysay in Shiinuhu aanu marnaba faragelin arrimaha gudaha ee waddamada kale, isla markaana aanu aqbalaynin in cid kale ay farageliso arrimihiisa gudaha.
Sidoo kale, safaaraddu waxay ku celisay mowqifka Shiinaha ee qadiyada Taiwan, iyada oo ku tilmaantay qayb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha, taas oo ah taariikh iyo xaqiiqo aan muran lahayn. Waxay si adag uga soo horjeesatay gooni-isu-taaga Taiwan iyo faragelinta kasta oo shisheeye, iyadoo sheegtay in Shiinahu uu xaq sharci ah u leeyahay qaadashada tallaabo kasta oo lagu difaacayo madax-bannaanida qarankiisa iyo midnimada dhulkiisa.
Senatar Ted Cruz oo ah guddoomiyaha guddiga hoosaadka arrimaha Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Caalamka ee Senate-ka Maraykanka, ayaa si rasmi ah ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump in uu aqoonsado Somaliland, sida ku cad warqad uu u gudbiyay Khamiistii (14-kii Agoosto).
Warqadda Cruz ayaa sheegaysa in “Somaliland ay noqotay xulufo muhiim u ah ee amniga iyo diblomaasiyadda Maraykanka,” iyadoo lagu xusay goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ee xeebaha Gacanka Cadmeed, kaalinta ay ku leedahay la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda gobolka, iyo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay horumarisay – oo ay ka mid yihiin martigelinta xafiiska wakiilka Taiwan ee Hargeysa, in ay doonayso in ay xidhiidh la yeelato Israa’iil, iyo taageero u muujisay heshiisyada Abraham Accords.
Cruz ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay cadaadis sii kordhaya kala kulmeyso cadawyo ay ka mid yihiin Xisbiga Shuuciga Shiinaha, oo uu ku eedeeyay in uu adeegsanayo cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si uu Somaliland ugu ciqaabo taageerada ay u fidisay Taiwan iyo la safashada ay la safatay reer Galbeedka.
Waxa uu ku dooday in aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland uu suurto-gelin doono iskaashi ciidan oo ballaadhan, horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha, iyo u adeegista yoolalka amniga guud ee Geeska Afrika.
Somaliland ayaa aad usoo dhawaysay codsiga Cruz uu u diray Trump, halka dowlada Soomaaliya ay sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu horseedi doono in dhaawac soo gaadho ama uu xagal daaco dagalaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.