M/weyne Muuse Biixi Cabdi oo isku Shaandheyn ku Sameeyey Qaar kamid ah Golaha Wasiirada.

0
405

 Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wasiir u magacaabay wasaraada maalgashiga, badhasaabkii gobolka Sool ayuu Gabilay u badalay, Sool na guddoomiye cusub ayuu u magacaabaay, sidookale badhasaabkii Gabilay ayuu xilkii ka qaaday.

Wasiirka Cusub ee maalgashiga ayaa loo magacaabay Cabdi Cismaan Dhaga-weyne,  goddoomiyaha cusub ee gobolka Sool ayaa loo magacaabay Cabdikariim Siciid Aw Cabdi, guddoomiyihii gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji ayaa isna loo badalay Galibay, waxaana xilkiisii waayay guddoomiyii hore ee Gabilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Hoos ka akhriso wareegtada madaxweynaha oo faah faahsan:-