Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay kooxda Alshabaab ka geysan jireen dalka, iyagoo bogaadiyey ciidamada amniga oo guula ka gaaray dagaalka dib xorreynta dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay xasillinta caasimadda, taasoo ay sheegeen inay sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay.
Ciidamada cusub ee laga howlgaliyay magaalada Muqdisho, ayaa ku guulaystay inay hoos u dhigaan dhacdooyinki amni darro ee Muqdisho ay ka geysan jireen Alshabaab iyo ciyaal weerada.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa bixisay mushaarka iyo qalabaynta ciidamadan, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh oo dhowr habeen ka hor hadlayay dood dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay.