R/wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo Kulan La Qaatey Madaxda Talyaaniga iyo Soomaaliya.

0
563

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wadahadal la yeeshay dhiggiisa, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa kulanka uu la qaatay madaxda labada dal ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga saddex geesoodka ah.

Madaxda ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.

Abiy ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qoray: “Wadahadalkii saddex geesoodka ahaa ee aan maanta la yeelanay Ra’iisul Wasaaraha Giorgia Meloni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ahaa mid miro dhal ah oo ay ka soo baxeen ballanqaadyo lagu xoojinayo iskaashiga iyo maalgashiga horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale maalgashiga ganacsiga gaarka ah ee Talyaaniga ee labada Itoobiya iyo Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqasho rasmi ah ku tagay Addis Ababa.