Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta ee Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka horyimaadeen amarro ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtey shirkadaha Isgaadhsiinta dalka, iyada oo shirkadaha deegaannadeeda fartay in aysan u hoggaansamin.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta Puntland ayaa lagu yiri ”Waxaan halkaan ka caddaynaynaa in aaney na khuseyn xeerarka la xariira isgaarsiinta iyo khidmadaha hirarka ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartey”
“Shirkadaha ka howgallada deegaannada Dowlad Gobaleedka Puntland waxaa lagu wargalinaa in aysan wax isbadal ah iyo saameyn ah ku yeelan doonin nidaamkii shaqo ee ka dhaxeeyay DG Puntland iyo shirkadaha isgaarsiinta ka hawlgala deegaannadaas” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.
Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta ee Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa waxaa loogu baaqay Wasaaradda Isgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya in loo turo shirkadaha isgaarsiinta kuwaas oo aan xamali karin laba canshuur.