Dowladda Cuba ayaa ka dhawaajisay in ay dadaal dheeri ah ku bixineyso sidii loo sii deyn lahaa labo ka mid ah dhakhaatiirteeda oo laga afduubtay meel u dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.
“Waan ku adkeysaneynaa dagaalka aan ugu jirno ku soo laabashada nabdoon ee Kuuba ee Dhakhaatiirta Assel Herrera Correa iyo Landy Rodriguez Hernandez. Afar sano ka dib af-duubkoodii, waxaan sii wadeynaa dadaalka aan ugu jirno in ay nagu dhex jiraan, qoysaskooda iyo dadkooda,” ayuu madaxweynuhu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Sannadkii hore, dowladda Kenya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay darawal Soomaali Kenyan ah oo lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay afduubka laba dhaqtar oo Cuba u dhashay oo ku sugnaa degmada Mandheera oo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.
Darawalkii hore ee maamulka Mandheera, Isack Roobow ayaa waday labo dhaqtar oo Cuba u dhashay oo la afduubay sanadkii 2019-kii, loona qaaday Soomaaliya, waxaana lagu xukumay xabsi daa’im.