Magaalada Muqdisho Qeybo kamid ah ayaa Galabta ku Afurey Qoriga Hoobiyaha Madaafiic laga Soo Ridey kuwaas oo Geystey Khasaare Isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac aysan weli Hay’adaha Amnigu ka Hadlin,lama Oga halka Madaafiicdan Laga Soo Rido marka La Gaaro waqtiga Afurka.
Illaa hadda Dhimashada wararka Nasoo gaaraya waa ilaa Afar Qof Labo Rayid ah iyo Labo kamid ah Ilaalada Wasiirka Badroolka iyo Macdanta C/risaaq Cumar halka labada rayidka ah ay ka tirsanaayeen Qoys Gurigoodu ahaa degmada Warta-Nabada iyadoo Dhaawacyaduna ay Gaarayaan illaa Shan Ruux.
Hoobiyeyaashan ayaan ilaa hada lagu Guuleysan in la Qabto Dadka Caadeystey in ay afur kasta Madaafiic u Qeybiyaan Magaalada iyadoon bar tilmaameed laheyn,madaafiicdan ayaa Dad Badan Qabaan in ay lug ku Leeyihiin Ciidamada Atmis ee magaalada Muqdisho ku sugan kuwaas oo Cabashadooda lacag la’aan iyo baahi gaar u ah Sheegaya taas oo keeni karto in ay fududeeyaan hase yeeshee ugu dabeyn hay’adaha Amnigu ku guuleysan Doonaan in ay Gacanta kusoo dhigi doonaan Mar ay Noqotoba.