Wejiga 2’aad ee Dagaalka,Danab iyo Gorgor oo horkacaya gulufka ku wajahan Degmada Galcad.

0
731

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka ay ku sii siqayaan Degmada Galcad ee gobolkaasi.

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Gorgor oo horkacaya hawlgalkan ayaa ku sii dhawaanaya degmadaasi.

Ciidamada ayaa Talaadadii la wareegay gacan ku haynta deegaano hoostagga degmadaasi, ka dib markii ay jiireen difaacyadii maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in hadafkooda koowaad uu yahay qabashada degmadaasi, oo daba-yaaqadii bishii January ay uga soo baxeen xaalad dagaal.

Dhanka kale wararka laga helayo Degmada Galcad ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay si khasab ah dadka deegaanka uga barakicinayaan guryahooda.

Hawlgalkan ayaa imaanaya, xilli ciidamadu ay hawlgal waddo sifeyn ah ka sameeyeen xadka Galmudug iyo Hirshabelle.