Wasiirka G/dhigga Soomaaliya C/qaadir M Nuur oo u jawaabay Xildhibaan Sanbaloolshe

0
633

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo u warramay VOA ayaa u jawaabay taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo dhaliilay wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Shabaab

Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, oo sida la wada ogyahay wajigiisi koowaad ay qeyb ka ahaayeen dadka deegaanka, kaasi oo laga gaaray guul wax ku ool ah.

Wasiir Jaamac oo ka jawaabay eedeyntan ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in guusha haatan laga gaaray Al-Shabaab ay ku timid wada shaqeynta shacabka iyo dowladda.

“Horta dagaalkan waa dagaal ay shacabka Soomaaliyeed leeyihiin oo shacabka iyo dowladdooda ay iska kaashanayaan waa run in guulaha lagu gaaray iskaashiga shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in dowladda federaalka ay isku koobtay talada, gaar ahaan qorshaha wejiga labaad ee howlgallada la filayo inay markale ka billowdaan gudaha dalka, wuxuuna xusay in dadka degan deegaanada la howlgalayo ay la tashanayso dowladda.

“Deegaan walba oo la xoreynaayo dadkiisa ay quseyso ma aragtay waan kala tashanaa waxna shacabka ayay quseeyaan, waxna dowladda qorshaheeda dagaal ,” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in la dhameystiri doono si loo qabto deegaanada kale.

“Hadda waxaan rajeyneynaa inta hartay oo Khawaarij ay ku harsan tahay in la’iska dul-qaado, shacabkana ay u istaagaan”. ayuu markale yiri Wasiir Jaamac.

Dowladda federaalka aya haatan isku diyaarineyso duulaan horleh, kaas oo la filayo inuu ka bilowdo deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.