Bankiga adduunku wuxuu sheegay dayn cafintu in ay noqon doonto mid muhiim u ah Muqdisho oo gacan ka geysan doonta. in dalka loo furo fursado cusub oo maaliyadeed.
“Waxaan soo wada marnay waddo dheer, waxaana la gaaray natiijooyin horumarineed oo muhiim ah,” ayuu yiri Keith Hansen, oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda, oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Keith Hansen ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunkaba looga baahan yahay inay sii wadaan wadashaqeynta si loo xaqiijiyo in si degdeg ah loo fuliyo dayn cafinta.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii wasaaradda maaliyadda ay marti galisay shirka dib u eegista waxqabadka shaqo ee dalka oo socday muddo labo maalmood ah iyadoo wadahadallo miro dhal ah ay yeesheen Bangiga iyo madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo ay ku jiraan qeybaha fulinta mashaariicda.