Shir looga hadlayay xaaladda degmada Baardheere oo lagu qabtay Muqdisho

0
486

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo La-taliyaha Istaraatiijiyada iyo Iskaashiga Mudane Maxamed Cumar Macalin ayaa ka qeyb-galay shir ay isugu imaadeen Hay’adda ka shaqeeyo arrimaha binaadaninada oo loogu hadlaayay xaalada Baardheere.

Shirkan ayaa shir Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha, federaalka iyo dibu hishiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi, Madaxda isku-xirka arimaha gargaarka Soomaaliya ahna Ku-xigeenka madaxa Qaramada midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul Mowla iyo Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin.

ugu horeyn waxaa warbixin ku saabsan xaalada binaadanimo ee degmada Baardheere ka siiyay ka qeyb-galayaasha Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA oo dhawaan safar shaqo halkaas ku tegay

Masuuliyiinta ka qeyb-galay shirkan muhiimka ah ayaa ku balamay in la qabto shir balaaran oo xooga lugu saaraayo arrimaha biyaha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhiibootooyinka ka dhasha biyo yarida iyo fataahadaha, ayidoo lugu balamay in ay Hay’adda SoDMA ay qaadato dowrka isku xirka.