Gudiga Doorashada Dadban oo Sheegay in Maamul Goboleedyadu aaney wax Door ah ku Yeelan Doonin Kuraasta Aqalka Hoose.

0
621
Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashada heer federal Maxamed Xasan Cirro, ayaa sheegay in ay hab-raac cusub ee loo sameynayo dooorashada aqalka hoose si aanay saamayn ku yeelan doonin dowlad goboleedyada sida dhacday aqalka sare.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in hab-raaca cusub uu xoojindoono in si furan loogu tartamo dooraahada aqalka hoose oo aysan dhicin in cid gaar ah u afduubnaato ama tartamayaal laga reebo doorashada sida dhacday doorashadii 2016.

Guddoomiye Cirro wuxuu iska fogeeyay in guddigooda lagu eedeeyo habka ay u dhacday doorashada aqalka sare oo ah in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay lasoo baxeen musharraxiin ku yimid rabitaankooda.

Wuxuu tilmaamay in hab-raaca doorashada aqalka sare uu awoodda siinayo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, taasoo keento in ay saamayn ku yeeshaan habka ay doorashada u dhacday.

Wuxuu sheegay guddiga doorashadu in ay awoodda ugu badan ku leeyihiin doorashada aqalka hoose islamarkaana wixii eed ah oo ka dhasha ay masuuliyaddeeda qaadan doonaan.

  1.