Suuragal Ma Tahay In Doorasho Kale Ay Ka Dhacda Jubaland?(WAR-BIXIN).

0
42

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maalin kahor soo saartay habraaca doorashada maamul goboleedka Jubaland oo ay sheegtay in wixii horay uga dhacay Kismayo aysan aqoonsaneyn.

Habraacan doorashooyinka Jubaland ayay dowladda sheegtay inay uu ka kooban yahay dib u heshisiin, soo xulista odayaasha dhaqanka ee saxda ah, guddi farsamo oo ka shaqeyn doonaa ansixiinta xildhibanad ay soo xuaan odayaasha , xulista xildhibanada iyo doorahsada Madaxweynaha iyo guddoonka barlamaanka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee federaala ayaa sido kale sheegtay “in la afduubay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Kismayo, waxaana ay intaa raacisay in haatan ay qabanayaan doorasho horleh.

Hasayeeshee maamulka dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay habraacii doorashooyinka ee ay soo saartay dowladda federaalka, waxayna sheegtay in doorashooyinkii Jubaland lagu kala baxay.

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland, Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay warqadaas ay tahay mid hareer marsan sharciga.

“Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqadan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka”, ayuu yiri Cabdi Xusseen.

Wasiirka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in maalin walba ay ka lalmato mamaul goboleedyada, waxaana uu intaa raaciyay in dhawaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Halkee ayay doorashooyinka ay damacsan tahay dowladda ka qabsoomi karaan?.Habraacayada dowladda ay soo saartay oo u baahan in loo helo saldhig lagu fuliyo hawlahaas oo dhan ayaa u muuqda mid aysan kala caddeyn, maadaama Magaalada Kismayo ay si buuxdan u maamulaan Jubaland oo ay adag tahay in dowladda ay kismayo ka fuliso hawlo aysan qeyb ka ahayn maamulka Jubaland.

“Horta wax muuqdo oo Magaalo ah oo Jubaland waa saddex gobol, Gedo oo Garbaharey ah, Jubada dhexe oo Bu’aale ah iyo Jubada hoose oo Kismayo ah, dowladda Soomaaliyeed haddii aysan wadahadal iyo dib u heshisiin maamulka kale ay iysan la sameyaan, oo iyagu aysan ka wada hadlin waxa kaliya ee sameyn karto waxa weeye inay tiraahdo doorashooyinka meel kamid ah Gedo ha lagu qabto”., Sidaas waxaa BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Dhaqane oo ka faalooda arrimah siyaasadda.

” Haddii meel kale doorasha kale lagu qabto, waxay sii kala fogeneysaa dadka oo waxaa loo sii kala fogaanayaa sidii Cadaado iyo Dhusammareeb oo kale”, ayuu raaciyay

BBC-da ayaa isku dayday in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay wax ka weydiiso halka ay ku qaban doonta doorashooyinka ku xusan habracyada ay soo saartay, balse nooma aysan suurtagelin in aan jawaab ka helno.

Muxuu dastuurka ka qabaa arrintan?.

Inkastoo dhinac walba uu sida uu rabo uu u fasirto dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya dastuurka oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in dameystir la’aantiisa ay tahay caqabad weyn ayaa haddana waxaa dhinac walba uu marwalba ku doodaa in dhinac kale uu baal-marsan yahay dastuurka federaalka iyo kan dowlad goboleedka.

Qoddobka 120aad ee dastuurka kumeel gaarka ee federaalka ayaa waxa uu dhigayaa in “dhismaha laamaha sharcdejinta iyo fulinta ee maamulada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada”.

Qoddobka 121-aad ee dastuurka kumeel gaarka ee federaalka ayaa sidoo kale dhigaya: “Mabda’iyan waa in la iswaafajiyaa Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dastuurada Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka”.

Khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa haatan u muuqda in uu gaaray halkii ugu sareysay oo maalmo kahor waxaa uu maamulka Jubaland jebiyay amarkii dowldda dhexe ee ahaa in dhamaan tegaya duulimaadyada Kismayo ay soo maraan Muqdisho, waxaase aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonta khilaafkan.