Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilal dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Qoraal ay soo dhiggeen Bar ay ku leeyihiin Internetka ayeey ku sheegeen in Afar ruux oo saddex ka mid ah ay yihiin Nabad-Sugida dharcadka ay ku dileen degmada Waabaeri.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay saddexda ruux ay dileen ka qaateen bastooladihii ay wateen, waxaana toogashada ay dhacday xilli saddexda ruux ee la dilay ay saarnaayeen mootada loo yaqaano Fekon.
Qoraalka ayeey sidoo kale ku sheegeen in ay ay degmada Dharkeenley ku dileen sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga oo ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Cismaan Calasow oo labo xidigle ah.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Hey’addaha Ammaanka dowladda oo ku saabsan dilalkan xalay ka dhacay degmooyinka Dharkeenley iyo Waaberi, waxaana ay noqonayaan dilalkii ugu badnaa hal habeen ka dhaca Muqdisho.












