Madaxweynaha Jubaland Oo Ka Hadlay Xasuusta 14ka October iyo Xasuuqii Zoope.

0
364

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xusuusta dhacdadii 14 Oktoober ee Sanadkii 2017ka Weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee isgooyska Zoobe ay tahay inay nagu dhiiri galiso sida ay muhiimka u tahay dadaalada Nabadgalyada iyo dagaalka Argagixisada in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhacdadaas ay banaanka soo dhigtay sida aanay Argagixisadu u doonaynin Nolosha dadka Soomaaliyeed oo maalin walba ay dhiigooda si ula kac ah u daadinayaan taas oo mudan in lagaga jawaabo howlgalo iyo dagaal midaysan oo lala galo.

Madaxweynahu wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas Maanta oo kale waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in dhabar adayga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee dhacdadaas kadib ay ahayd wax lagu farxo iyagoo si wadajir ah ugu gurmaday dadkii dhibtu ay gaartay.