Wararka ka imaanaya duleedka degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari ay dhinteen Kuwa kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii qarax xooggan lala beegsady gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidamo ka yimid dhanka Balidoogle.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaariga ay ciidamadu wateen uu gubtay iyadoona waxyeello gaartay gaari kale, ciidamadan weerarku ku qabsaday deegaanka Warmaxan ayaa ah kuwii uu Mareykanku ku tababaray garoonka diyaaradaha Balidoogle.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe ayaa qarax khasaara dhaliyay halkaas lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa maamulka Hirshabelle.
Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah waxayna dhaawacyo garaab ah gaareen Afar askari oo gaariga la socday, dhammaan qaraxyadan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda waxaa mas’uuliyadooda sheegatay dhaqdhaqaaqa al-shabaab.






