Waziir Bayle Oo Ka War Bixiyay Xaaladda Maaliyadda Dalka.

0
27

BeyleWasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmana Ducaale Bayle ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishu kaasi oo uu kaga hadlayey arrimaha maaliyadda dalka.

Waxyaabaha uu ka hadlay Bayle ayaa waxaa ka mid ah daabacaadda lacagta cusub ee Somaaliya iyo hantida qaranka ee maqan, oo uu sheegay inay gacanta ugu jirto shaqsiyaad.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dhawaan Wasaaradda Maaliyada ay tira koobka ay sameysay ay ku wareejin doonto Guddigga qaran ee soo celinta Hantida qaranka uu dhawaan sameeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya si dib loogu soo celiyo inta ka maqan gacanta dowladda.

“Wax alle wixii dalku lahaa waan soo tirakoobnay (Hanti Guurto iyo Maguurto) waxaan dhawaan u gudbin doonaa guddiga Qaran ee ra’isuwasaaruhu sameeyay ee soo celinta Hantida Qaranka”.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday qorshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga cusub waxaana uu sheegay in dowladu ku howlan tahay dardar galinta soo daabicideeda dhaqaalaha ku baxay oo ay dowladu bixinaysa ay hayaan kala barkood.

Tirakoobka ay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku sameysay hantida Qaranka ayaa ah talaabo loo qaaday ilaalinta hantida qaranka inta gacanta ay ku hayso dowladda iyo soo celinta hantida ka maqan waxaana dhawaan lagu wada in tirakoobkani ay wasaaradda ku soo bandhigto Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiirka Bayle wuxuu shirkiisa jaraa’id geedi socodka wadahadalka deyn cafinta oo maraya wajigiisa afaraad waxaana uu ka muujiyay raja wanaagsan.

“July Aakhirkeedii imtixaan baa nalaga qaaday, bisha soo socota September mid kalaa nagala qaadaya, December midkale ilaa Bisha May, laakiin waxaa ugu muhiimsan laba imtixaan ee september iyo December oo hadii aan labadaa ka gudubno deyn cafiskii waa naga dhamaaday”.